WARARKA SOOMAALI

Waqtiga ay bilaabaneyso Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug oo la shaaciyey

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo.

Kuraastaas la dooranayo ayaa tirsigoodu waxaa ay kala yihiin HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge & HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Afhayeenka ayaa ergada wax dooraneysa ugu baaqay inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo  la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya.

Waqtiga ay bilaabaneyso Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug oo la shaaciyey
To Top