Wafdi ka socday dowladda Federaalka oo ay hoggaamineysay Wasiirka Gargaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Baydhabo ee Shaati gaduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.