WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo Shirweyne Caalami ah ka qeyb galay

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa magaalada Qaahira kaga qeyb galay shirk 31aad ee Diimaha iyo Dhaqanka.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimha Islaamka ee Dalka Masar ayaa waxaa inta badan looga hadlayay xoojinta dhaqanka islaamka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Soomaaliya oo shirkan qeyb ka aheyd waxaa ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Cumar Cali Rooble, waxaana khubad uu ka jeediyay shirk 31aad ee Diimaha iyo Dhaqanka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa waxaa uu khudbadiisa ku sheegay horumaradda kala duwan ee dalka ka socda iyo sidoo kale dadaaladda ay wado Dowladda Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top