Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha waaxda Hiddaha iyo Taclinnta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa magaaladda Algeris ee Caasimadda Dalka Aljeeriya kaga qeybgalay shirka 18-aad ee Wasiirada Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista ee wadamada Carabta.
Shirkaas oo lagaga hadlayo horumarinta tiknaloojiyada tacliinta Sare, Cilmi baarista iyo qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2021-2030-ka.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa warbixin ka siiyay wadamada kasoo qeyb galay shirka xaalada Waxbarashadda Soomaaliya iyo hiigsiga mustaqbalka ee Wasaaradda Waxbarashadda.
