WARARKA SOOMAALI

Midowga Musharaxiinta oo Dalbaday in MW Farmaajo uu si Deg deg uga…

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaag hadlayaan arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan khilaafka Cirka isku shareeray ee u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeedka ayaa Maadxweyne Farmaajo looga dalbaday in uu Villada banneeyo, sidoo kalena waxaa ay Cambaareeyeen isku daygii Afgambi ee shalay Ciidan ka amar qaata farmaajo ay kula wareegeen Xafiiska Rooble.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbigii shalay fashilmay ee la sheegay in lagu qaaday Xafiiska Ra’iisu Wasaare Rooble.

Weli ma jirto cid kala dhex gashay khilaafka Cirka isku shareeray ee u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo salka ku haya Arrimaha doorashada.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta oo Dalbaday in MW Farmaajo uu si Deg deg uga…
To Top