WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Wasiirka Howlaha Guud iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda dalka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Guduud ee Baydhabo kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ujeedka Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka uu yahay mid la xiriira xarig jarka xabsiga weyn ee Magaalada oo si casri ah loo dhisay.

Xabsiga Magaalada Baydhaba ee gobolka Baay inta aan dayactirkaan lagu sameyn maxaabiista ku jirtay waxaa ku haystay dhibaatooyin aad u badan, balse juhdiga dowladda Soomaaliya ay galisay ayaa wax badan ka badali doonta Nolosha Maxaabiista ku xiran iyo kuwa lagu xeri doono intuba,

SOMALI NEWS

To Top