WARARKA SOOMAALI

Wafdi culus kana socda Qaramada Midoobey oo kusoo wajahan Muqdisho

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ah ayaa Maanta waxaa kusoo wajahan wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineyso ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amina J Maxamed.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaaran Magaalada waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Bulshada rayidka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga ka socda Qaramada Midoobey ee Muqdisho uu yahay mid la xiriira Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha doorashada.

Imaanshaha wafdiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo khilaafka xoogan uu ka dhexeeyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo markii hore ka bilowday kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Kulamo lagu doonayay in xal loogu helo khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa lagu kala tagay, kadib markii Madaxda ay isku mari waayeen qodobada kala ah Kiiska Ikraan Tahliil iyo Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, iyadoona natiijo la’aan kusoo dhammaadeen kulamada oo socday in ka badan 10 saacadood.

SOMALI NEWS

To Top