Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayaa arroornimadii hore ee saakay oo khamiis ah kusoo waaberiistay inta badan waddooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda oo xiran.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyonka iyaga oo taagan, isla markaana u diidaya inay maraan gaadiidka dadweynaha raacaan ee loo BL-ka iyo kuwa sida gaar ah loo leeyahay.
Ciidamada ayaa kaliya wadada inay maraan u ogol gaadiidka ay Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa ay saaran yihiin Askarta, waxaana meelaha qaarkood xitaa la diidayaa inay lug ku maraan, iyadoo ay ku sugan yihiin Ciidamo.
Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta loo xiray waddooyinka ay tahay in Magaalada Maanta uu ka dhici doono banaanbax xoogan oo lagu taageerayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo doorashada dalka.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu saacadihii lasoo dhaafay waday abaabulka banaanbaxaas, isla markaana lagu wargeliyay dhammaan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in laga cabi qabo in banaanbaxyo kale ay dhigaan dad kasoo horjeeda Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda, waxaana saakay aad loo adkeeyay amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Maalin kahor ayey markii banaanbaxyo ka dhan ahaa Madaxweynaha iyo dowladda uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, isla markaana la rasaaseyey qaar kamid ah dadkii dhigayay, ayna geysatay khasaaro kala duwan.