WARARKA SOOMAALI

Waan waantii uu Madaxweyne Farmaajo ka waday Golaha Baarlamaanka oo Guul-daro kusoo dhamaatay,Jawaari oo laga codsaday in uun iscasilo-Akhriso

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inuu fashilmay dadaaladii iyo waan waantii uu waday Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa xalinta khilaafka Baarlamaanka ee ka dhashay Mooshinkii Jawaari.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Hargeysa iyo Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in kulamadii u dambeeyay uu Madaxweynaha waday ay rajo la’aan ku soo dhamaadaan, isla markaana xaalka uu wali taagan yahay halkii uu joogay Sabtidii, xilligaasoo Madaxweynaha uu baajiyay kulankii Baarlamaanka ee loo balansanaa.

Kulamo Madaxweynaha la qaatay labada dhinac ayaa meel dhow la isugu imaan waayay, isla markaana labada dhinac ay mowqifyadooda aanay waxba ka bedelin.

Wararka laga helayo Villa Hargeysa ee hoyga Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in kulankii Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad uu fashil ku dhamaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ka dalbaday Jawaari inuu arrinta fududeeyo, isla markaana is casilo, hase ahaatee uu Jawaari ka diiday dalabkaas, isagoo ku adkeystay in isaga lagu soo doortay Sanduuq, una diyaar u yahay Sanduuq.

Sidoo kale Xildhibaanada Mooshinka waday ayaa iyana la sheegay in aysan ka tanaasuleyn mowqifkooda, isla markaana ka go’an tahay in Mooshinka Jawaari ay horgeynayaan Baarlamaanka maalinta berri oo Arbaco ah.

Xildhibaanada la baxay Badbaadada Golaha shacabka ayaa dhankooda ka digay kulanka berri, iyagoo xusay in xaalada ay uga sii dari karto.

Kulamada labada dhinac ay yeelanayaan ayaa ah kuwo aan kala go’laheyn, waxaana kulamada socda qeyb ka ah kuwo Ra’iisul Wasaaraha la yeelanayay Xildhibaanada qaar oo ay ugu dambeysay kulan uu la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Beesha Hawiye.

Lama oga sida xaalka ku dambeyn doonto, waxaana rajo beel noqday dadaaladii socday labadii maalmood ee u dambeeyay, iyadoo mar kale dib u soo cusboonaaday dhiilada iyo hanjabaada ay labada dhinac isu marinayaan warbaahinta.

SOMALI NEWS

To Top