WARARKA SOOMAALI

Video:-Sidee u dhacay howlgalkii Gaalkacyo ee Danab ay ku dileen sarkaalka sare?

Gaalkacyo (HM) – Saraakiisha ciidamada ammaanka gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa si wadajir ah uga warbixiyey howlgal maanta lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa fuliyey ciidamada Danab iyo kuwa PSF-ta Puntland, waxaana la sheegay in ninkaas uu dagaalamay inta aysan dilin ciidamadu.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ninka la dilay uu watay qaraxyo iyo bastoolad, isla markaana uu ahaa madaxii Al-Shabaab u qabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ka dhici jiray Gaalkacyo, isaga oo u mahad celiyay ciidamada ammaanka Puntland iyo Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale taliyaha qeybta booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamada booliska Galmudug ay maanta kadib fasax u heystaan in dhinaca Puntland ay kasoo qaban karaan qofkii ay u arkaan in uu amni darro ka wado magaaladan, isla markaana ay ku xiri karaan saldhigyadooda.

Dhankiisa Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha Puntland ay ku wada heshiiyeen in ciidamada labada dhinac ay isla howgalaan, si nabad loogu soo dabaalo magaalada Gaalkacyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka socaday howlagallo ay si wadajir ah u sameynayeen ciidamada kumaandoosa Soomaaliya ee Danab qeybtooda gobolka Mudug, PSF-ta Puntland, booliska Galmudug iyo kan Puntland, waxaana tan iyo markii la bilaabay howlgalladaas meesha ka baxay falalkii amni darro ee ka dhici jiray magaalada Gaalkacyo.

Horufadhi News

Ciidamadda Danab Sawir aan maanta ahayn.

SOMALI NEWS

To Top