WARARKA SOOMAALI

Ukraine oo si Deg-deg ah u magacaawday Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha

Kadib, Geeridii Wasiirkii Arrimaha Gudaha dalkaasi iyo Ku-xigeenkiisa ayaa waxay Golaha Wasiirada ee Ukraine yeesheen kulan Degdeg ah oo ku aadan magacaabista Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi.

Qoraal uu Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Denys Anatoliyovych Shmyhal soo dhigay Bartiisa Telegram ayuu ku caddeeyey in Taliyaha Boliska, Ihor Volodymyrovych Klymenko loo magacaabay Xilalka ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Anna Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi.

Ihor V. Klymenko ayaa waxa uu sii wadi doonaa waajibaadka Howlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha inta laga soo magacaabayo Wasiir Cusub.

RW Denys Anatoliyovych Shmyhal ayaa waxa uu xusay inuu wada-Tashi la leeyahay Xildhibaanada Baarlamaanka, Ukraine si loo magacaabo Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha maalmaha soo socda.

Magacaabistan ayaa timid, kadib, markii uu Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Denys Monastyrskyi, Ku-xigeenkiisa Koowaad,  Yevhenii Yenin iyo Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradaasi, Yurii Lubkovych ka mid noqdeen dadkii ku dhintay Shilkii Diyaaradeed ee shalay ku burburtay Degmadda Brovary ee duleedka Caasimadda dalkaasi ee Kyiv.

Ukraine oo si Deg-deg ah u magacaawday Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha
To Top