Dowladda Turkiga ayaa dhaweysay Go’aankii ay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS shalay ugu codeeyeen in dib loogu laabto Heshiiskii Nidaamka Doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynyaan Go’aankii Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS si loo qabto Doorashooyin asaas looga dhigayo Heshiiskii la gaaray bishii September 17-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.
Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay Turkiga rajeynayaan inay Tallaabadaasi horseedi doonto in dib loo bilaabo Wada-hadalladda wax-ku-oolka ee u dhexeeya Saamilayda Siyaasadda Somalia, iyadoo aan dib-u-dhac lahayn, lagana heshiiyo Is-faham la’aanta taagan.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay muujisay inay Turkiga had iyo jeer garab taagan Walaalaha iyo Saaxiibada Soomaalida, isla markaana ay sii ambaqadi doonaan Taageerada xooggan ee ay Somalia siiyaan.
Dowladda Turkiga waxay kaalinta hore kaga jiraan dowladaha taageeradda ugu badan siiya DFS,iyagoo ka taageera dhinacyada Maaliyada, Siyaasadda iyo Tababarka iyo Qalabaynta Milliteriga Somalia.