WARARKA SOOMAALI

Tirada guud ee Ciidanka Uganda iyo Itoobiya ka jooga Somalia oo la shaaciyey

Xilli berrito loo dabaal degayo Maalinta Caalamiga ee Ciidanka Nabad-Ilaalinta ee QM ayaa waxa uu machadka Cilmi-baarisa Nabadda ee ( Stockholm International Peace Research Institute) ee SIPRI soo bandhigay Cududa guud ee Howlgalka xilliga kala-guurka Afrika ee Somalia.

Daraasadda Cusub ee Machadka SIPRI ee ku yaalla Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm ayaa lagu sheegay in Ciiddamada ka kala socda Itoobiya iyo Uganda yihiin kuwa ugu badan Ciiddanka ku mideysan Hawlgalka ATMIS.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Itoobiya yihiin kuwa ugu badan ee ku sugan Somalia, iyadoo tiradooda Guud gaarayo 8,611 Askari. Uganda oo Kaalinta 2aad ku jirta waxa Somalia ka jooga Ciiddan tiradooda dhan yahay 6,162 Askari.

Askarta Uganda ayaa waxay Somalia ku sugnaayeen tan iyo sanadkii 2007-dii.

Tirada guud ee Ciidanka Uganda iyo Itoobiya ka jooga Somalia oo la shaaciyey
To Top