WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliye Odawaa oo safar Deg-deg ah ku gaaray Magaalada Baladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Taliye Odawaa iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 27-aad iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Ciidanka kasoo jeeda Jabuuti.

Ujeedka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira sidii Ciidamada qeybta 27-aad ay deegaannadda Hiiraan uga bilaabi lahaayeen howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Taliye Odawaa ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Saraakiisha Ciidamada Taliska qeybta 27-aad iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti, isagoo kala hadli doona xaaladda amni ee Gobolka iyo bilaabida howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Taliye Odawaa oo safar Deg-deg ah ku gaaray Magaalada Baladweyne
To Top