WARARKA SOOMAALI

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay dalka…

Allaha u naxariistee waxaa shil gaari ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray  Maxamuud Cabdullahi Kulane, oo ku magac dheeraa (Madaxeey),  kaasi oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee ka xoogsada dalkaasi Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee (Madaxeey),  ayaa u geeriyooday Shil gaari Truck ah oo isaga uu Darawal ka ahaa, kaasi oo ka dhacay Gobolka Mpumalanga ee Dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka oo kamid ahaa Dhallinyarada fir fircoon ee ku nool magaalada Johannesburg, ayaa ilaa iyo haatan aanay Boolisku sheegin waxa sababay Shilkaasi

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa aad ugu badan shilalka Gawaarida, waxaana inta badan geli jiray dadka u dhashay dalkaas, iyada oo ay aad u yareyd shilalka ay galaan Wadayaasha Soomaalida ah.

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay dalka…
To Top