WARARKA SOOMAALI

Taliye Odawaa iyo Wasiirka Difaaca oo gaaray Baydhabo & Abaabul xooggan oo socda

Wasiirka Gaashaadhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa yuusuf Raage ayaa gaaray magaalada Baydhabo.

Garoonka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliye Odawaa iyo Wasiir Cabduqaadir Jaamac, waxaana ujeedkoodu yahay abaaulka howlgal ka bilaaba doona deegaanada K/Galbeed, kaas oo hormuud ay u noqa doonaan ciidanka xoogga dalka.

Taliye Odawaa iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan Baydhabo, iyagoona kala hadlay dardar-gelinta howlgalada xorreynta deeegaanada Maamulka.

Wasiirka iyo Taliyaha xoogga ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inay Baydhaba ka abaabulaan dagaal Al-Shabaab looga xoreynayo Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, sida ay laga soo xigtay Saraakiil Ciidan.

Si kastaba kacdoon la’aanta ka jirta K/Galbeed, ayaa la filayaa inay wax iska bedelaan, maadaama ay halkaas gaareen, masuuliyiintii ugu sareysay taliska ciidanka xoogga dalka iyo Wasaaradda difaaca.

Taliye Odawaa iyo Wasiirka Difaaca oo gaaray Baydhabo & Abaabul xooggan oo socda
To Top