Qarax miino oo goordhow ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu dilay Dhicisoow Maxamed Qeelshe oo ahaa Taliyaha guud ee Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo 4 askari oo la socotay.
Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen askartan iyo Taliyohooda ayaa qaraxa ku qabsaday bariga Magaalada Jowhar, xili xiisadda Magaalada ay kacsan tahay, kadib markii uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Kooxda Macwiisleyda.
Dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday Madixii amniga Madaxweynaha Hirshabeelle, halka uu dhaawac soo gaaray madixii hab Maamuuska Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Ilaa iyo hadda Maamulka Hirshabeelle ayaan ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo jugtiisa laga maqlay deegaano ku dhow Jowhar.