Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku yaalla Xaafada Mirinaayo.
Taliye Xijaar ayaa waxaa wehliyay Taliye kuxigeenka Booliska iyo Afhayeenka Booliska, waxaana booqashadan ay qeyb ka aheyd dadaalada nabadda ee ka socda Muqdisho oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa soo dhoweyn u sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska, wuxuuna ku ammaanay sida uu uga qeyb qaadanayo dadaalada lagu soo afjarayo xiisada ka taagneyd magaalada.
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la sheegay in markii hore aanu raalli ka aheyn qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku qaaday dagaalka ka dhanka ah Mucaaradka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalintii shalay aheyd Magaalada Muqdisho isaga baxeen Ciidamada Milateriga ee kasoo horjeeday muddo kordhintii loo sameeyay Farmaajo, sidoo kalena goobihii ay ku sugnaayeen lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska dowladda.