WARARKA SOOMAALI

Taliyaha Booliska Hiiraan iyo Saraakiisha NISA oo looga yeeray Muqdisho & xogta

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle  iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Gobolkaas ayaa looga yeeray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasi oo gelinkii dambe ee shalay yimid magaalada.

Taliyaha iyo Saraakiisha NISA ee Gobolka Hiiraan ayaa durbadii la geeyay Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da, waxaana la sheegay in la weydiinayo su’aalo la xiriira qaraxyadii maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa Taliyaha Booliska Gobolka Isaaq Cali Cabdulle iyo Saraakiisha NISA ku eedeeyay inay wax ka qaban waayeen ammaanka magaalada oo ay ka dhaceen qaraxyo waaweyn.

Illaa saddex qarax oo is-miidaamin ah ayaa ka dhacday Baladweyne, isla markaana waxaa lagu weeraray xerada lamagaalay oo ay ku yaallan dhammaan Xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan, in ka badan 30 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii dhacay.

Taliyaha Booliska Hiiraan iyo Saraakiisha NISA oo looga yeeray Muqdisho & xogta
To Top