WARARKA SOOMAALI

Taliska Ciidanka Xoogga oo War kasoo saaray Qaraxii is-miidaaminta ee Gaalkacyo

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Galmudug.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu xaqiijiyey in qof isku sol xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday goob ay ku suganaayeen Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan oo isku diyaarinayey  soo dhaweynta RW Rooble.

Waxaa uu sheegay Odawaa Yuusuf in qaraxaas uu ku dhintay Taliyihii qeynta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Cabdicaiis Cabdullaahi Qooje, Taliyihii DANAB ee Galmudug, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo ee Puntland Yaasiin Xasan Tummey.

Dhammaan dadkii ku geeriyooday ee isugu jiray Saraakiisha Ciidan iyo dadweynihii u diyaarsanaa soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Taliye Odawaa Yuusuf Raage u diray tacsti, sidoo kalena sheegay inay ka xun yihiin qaraxaas.

In ka badan 30 qof ayaa ku naf-waayay qaraxii Is-miidaaminta ee ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halka dadweyne kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Magaalada Gaalkacyo ayaa isu diyaarineysay soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo socdaal ku maraya Magaalooyinka waaweyn ee Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top