WARARKA SOOMAALI

Taliska Milateriga oo Digniin u diray Ciidamada Dowladda, kuna amaray xiligaan…

Taliska ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa uga digay ciidamada qalabka sida in ay ku milmaan siyaasada xiligan kala guurka ah ayna faragalin ku sameeyaan doorashada dalka ka bilaabatay.

Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga digay ciidamada kala duwan ee dowladda in ay ku milmaan siyaasadaha iska soo horjeeda faraglina ku sameeyaan doorashooyinka.

Waxa uu sheegay taliyahan in ciidamada dowlada doorkooda yahay kaliya sugida amaanka doorashada, waxa uuna u sheegay ciidamada in aysan wax lug ah ku yeelan karin arimaha siyaasada iyo doorashooyinka.

Hadalkan kasoo yeeray Janaraal Biixi ayaa kusoo aadaya xili siyaasiyiinta Mucaaradka ka
cabanayaan faragalin ay wadaan taliyaal ciidan, waxaa sidoo kale warkan imaanayaa xili la sheegay in ciidamada dowladda ergo ahaan loo qoranayo.

Taliska Milateriga oo Digniin u diray Ciidamada Dowladda, kuna amaray xiligaan…
To Top