Waxaa caawa geeriyooday oo saacadii ka buuxsantay loona oofsaday xaga lagu wada danbayn doono gurigii rasmiga ahaa illaahay ha u naxariistee Garaad Cali Buraalle Xasan oo ku geeriyooday magadaalada Laascaanood gobolka Sool.
Illaahay samir iyo imaan waasica alle haka siiyo qaraabadii ehelkii asxaabtii iyo dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan deegaanka uu oday dhaqmeedka u ahaa.
Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan qoyska reer Cali Buraale daafaha aduunka meelkasta ay ka joogaan iyo gole weynihii dhaqanka uu ka baxay xubin ruug cadaa ah.
Illaahay qabriga ha u nuuriyo hana ka dhigo kuwii kitaabka gacanta midig looga dhiibo, janatul fardowsana lagu abaal mariyo.
Garaad Cali Buraalle ayaa kamid ahaa Madax dhaqameedka Soomaaliyeed, Waxaana si gaar ah ugu Caano shubtay Beesha Cabdi-garaad (Qayaad) ee Dhulbahante.