Hargeysa (HM) – Soomaliland Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada xarunta u ah maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee maanta ka taagan gudaha magaaladaasi.
Cirro ayaa ugu horreyn sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu sii galayey xarunta xisbiga oo la geeyey ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo Baabuurta dagaalka ku gaashaaman, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku ciyaareyso nabadda gelyada, iyadoo adeegsaneyso ciidanka Qaranka. sida uu hadalka u dhigay Hoggaamiyahan ka cadhooday xubnaha Gudiga Doorashada.
“Xukuumaddu iyada ayaa nabad gelyada ku ciyaaraysa, xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka walaacsan yahay xarigga xogyahaya xisbiga Wadani, Khadar Cabdi Xuseen iyo afhayeenka guud ee xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun, kuwaas oo uu sheegay in loo wareejiyey xabsi kale.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa sharci darro ku tilmaamay xadhiga mas’uuliyintaasi, wuxuuna sheegay inay ka hor imaneysa dimuqraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay.
Sida aan xogta ku helay xubnaha xisbiga ee xidhan ayaa waxaa loo wareejiyey xabsiga Mandheera, taas oo uga sii diireysa xiisada ka taagan Magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba deegaanada maamulka Soomaaliland.
Wixii kasoo kordha Xiisadda Horufadhi News