Hargeysa (HM) ― Wararka ay helayso HM ayaa sheegaya in Saaka Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex.
Cabdiraxmaan Aar ayaa Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka markii la hor-geeyay C/raxmaan Aar, waxay dhageystay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah.
Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayaa in dib Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto.
Wiilkan loo haysto in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee saaka Maxkamada la hor-geeyay, ayaa wuxuu ahaa Guddoomiye urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”.