Laascaanood (HM)-Booliiska Somaliland ee gobolka Sool ayaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi ku xiray Abukar Cabdi Geelle oo soo noqday guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland.
Xubno ka tirsan qoyska guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Booliiska degmada Laascaanood ay xalay xabsiga dhigeen Abukar balse aan weli loo sheegin eedaha loo haysto.
Sidoo kale qof kamid ah saaxiibadiisa oo isna xaqiijiyay warkaan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool ay Abukar u haystaan in uu magaalada Laascaanood ka waday ol’ole ka dhan ah Somaliland oo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Abukar ayaa xilligii uu guddoomiyaha ka ahaa Puntland lagu xasuusta hadallo kulul oo uu warbaahinta u marin jiray maamulka Somaliland iyadoo wakhtigaasi ay degaanka Tukaraq ka aloosneyd xiisad u dhexaysay Puntland iyo Somaliland.
Abukar ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland iska casilay bishii October ee 2018 isagoo markii dambe dib ugu laabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaase uu maalmihii u dambeeyay qoraallo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo qorayey gudaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool oo uu kasoo jeedo.