WARARKA SOOMAALI

Soomaliland oo war kasoo saartay kulankii Farmaajo iyo Abiy Ahmed-Akhriso

Hargeysa (HM) –  Somaliland ayaa jawaab ka bixisay kulankii shalay magaalada Addi Ababa ay ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Kadib kulankaas ayaa qoraal kasoo baxay Abiy Ahmed, waxa uu ku sheegay in afar qodob oo uu Farmaajo kala hadlay uu qodob ka mid ah ahaa xaqiijinta xiriirka maamulka Somaliland, si loo taageero nabadda gobolka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay “Dawlada Jumhuuriyada Somaliland waxay soo dhawayneysaa sida maamulka Farmaajo u garwaaqsadey in ay Somaliland tahay dawlad kaalin muhiim u ah kaga jirta arimaha gobolka gaar ahaan dhinacyada nabad galyada iyo horumarka dhaqaalaha ee gobolka oo aan indhaha laga lalin karin marnaba.”

Waxaa sidoo kale, qoraalka lagu sheegay in Farmaajo “uu aqbalay in aanu soo faro galin xidhiidhka soo jireenka ah ee Somaliland iyo Ethiopia.Waa sida uu u dhignaa war kooban oo kasoo baxay maamulka Soomaliland.

Marka laga reebo qoraalada Abiy Ahmed iyo kan Somaliland, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo ku saabsan waxa Farmaajo iyo Abiy ay iska yiraahdeen arrinta Somaliland. 

SOMALI NEWS

To Top