WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo u hanjabtay ganacsatada maciishada qaali gareynaya xiligan adag-Video

Laascaanood (HM)– Somaliland ayaa sheegtay inay talaabo ka qaadi doonaan ganacsatada iskudayda inay qaali gareeyaan raashinka si ay uga faa’iidaystaan cabsida laga qabo cudurka Corona Virus oo soo gaadhay gobolkan dihin ee Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkaasi Samaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayaan laamaha amniga ayaa sheegay in dhamaan gudoomiyeyaasha goboladda Sooamaliland ay si joogto ah ula socdaan ganacsatada raashinka iibinaya ee qaali gareeya si sharciga loo horgeeyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Maxamed Kaahin waxa uu u hanjabay ganacsatadda isku dayda inay qaaligarayso Raashinka, waxaanu yidhi “gudoomiyeyaasha iyo maayarada degmooyinka waxa lagu wargalinayaa inay si joogto ah ula socdaan bakhaarada, tukaamada iyo ganacsatada Raashinka iibiya, cid alaale iyo cidii lagu arko inay sicirkii kicinayaan in talaabo laga qaado”.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid  ayaa sheegay in aanay jirin raashin iyo dawo kala go’aya sabab loo qaali gareeyaana aanay jirin, sidaas darteed cidii qiimaha raashinka kordhisa talaabo laga qaadi doonno.

“Haddii aanu nahay rugtii ganacsiga  iyo shirkadihii Raashinka keenayey wax raashin ah oo wadanka ka kala go’ay ma jirto, dawooyinka kuwo khuseeya cudurkan Corona Virus ee lagula tacaalaana way yaalaan inta soo socota cashuur dhaaf bay dawladu uga dhigtay, wax kala go’ayaana ma jirto”ayuu yidhi Caydiid.

Bakhaarada qaar ayaa illaa shalay kuyuu loogu jirey, waxaanay dadku ka cabsi qabeen inuu raashinku ku kala go’o amaba la qaali gareeyo, halka dadka qaar sheegayaan in bakhaarada qaar qiimihii meceeshada kordhiyeen.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top