WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo goordhow Xabsiga kasii deysay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon-Video

Hargeisa  ( HM ) Soomaliland Waxaa maanta Xabsiga magaalada Hargeisa laga soo daayey Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo Muddo ka badan Sanad ku xidhnaa magaalada Hargeisa.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro  oo si kooban uga hadlay soo daynta  Wariye Coldoon ayaa yidhi“Waxa an ku faraxsanahay in Suxufi Samafale Cabdimaalik Sh Muuse Coldoon dib u helay xorriyaddiisii, madaxweynahana waxa aan uga mahadcelinayaa tixgelinta saamaxaadda aan u soo jeedinnay.  “.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Soomaliland ayaa sanad ka hor Wariyahan u dhaqdhaqa arrimaha bini,aadanimada ka qabatay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer halkaas oo uu kaga dhuumaalesanayay Ciidamada Soomaliland oo raadinayey inkastoo ugu dambeyntii ay gacanta ku dhigeen isla markaana loo dhaadhiciyay Xabsiga Hargeysa.

Wariyaha ayaa la aamisan yahay inuu u xidhnaa Madaxda ugu saraysa Maamulka Soomaliland oo uu kamid yahay Muuse Biixi, isagoo lagu eedeeyay inuu ku kacay falal lidi ku ah wax loogu yeedhay Qaranimadda iyo gooni isku taaga Soomaliland.

Soomaliland ayaa marar badan lagu eedeeyay inay samayso cabudhin xooggan oo dhinaca aragtida ah iyadoo xabsiyada ka buuxisay wariye,yaal iyo dad baraha Bulshada wax ku qora oo dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee xukuumadda sidoo kale waxaa deegaanada Soomaliland isaga baxsaday xubno wariye,yaal ah iyo sidoo kale qaar kamid ah dadka ka aragtida duwanaday maamulka oo Xamar qaarkood afka ku shubtay in kastoo taasi ay dab kusii shiday xaalada beegsiga dadka noocaasa kadib markii ay Dowladda Soomaaliya soo dhaweyn u samaysay iyo shaqo abuurba dadkii isaga baxsaday Hargeysa.

Ugu dambeyn Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ah nin Bulshada kuwooda Jilicsan garab istaagay, waxaana sidoo kale uu yahay Aabe ay Sugayaan Qoyskiisu,  Waana War Farxad leh inuu maanta Xoriyadiisa dib u helo Wariye Coldoon.

Horufadhi News

Sawirka maanta Coldoon iyo Madaxda Xisbiga Waddani

SOMALI NEWS

To Top