WARARKA SOOMAALI

Soomaliland iyo Puntland oo Maxaabiis is dhaafsanaya.

Laascaanood (HM) – Iyadoo dhawaan madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyay maxaabiis Puntland looga qabtay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa la shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee labada dhinac is dhaafsanayaan maxaabiista.

Maalinta Beri ah oo ay ku beegan tahay Isniin ayaa la shaaciyay in labada dhinac ay is dhaafsan doonaan ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku kala qabsadeen dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay inay qabatay ku dhawaad 15 maxbuus, kuwaasi oo badankood lasii daayay markii ay noqdeen kuwo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Somaliland ayaa dhankeeda shaacisay inay qabatay ku dhawaad 14 maxbuus, kuwaasi oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay, iyadoo la sii deyn doono maalinta beri ah.

Saddexda Maxaabiis ee ku jira gacanta Puntland ayaa la sheegay in midkood uu yahay sarkaal ka tirsan Milatariga Maamulka Somaliland halka labada kale ay Askaryihiin.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa 8-dii Feb 2018-kii waxaa ay ku dagaallameen Tukaraq, halkaas oo Somaliland ay dagaal kula wareegtay ilaa maantana ka taliso.

Waxaa muuqata in hadda xaalada deegaanadaasi ay wanaagsan tahay,hayse ahaatee waxaad moodaa inay Soomaliland isticmaalayso siyaasad ka rog oo laba saar ah waxaana ay hada xaaladeedu kacsan tahay Bariga Gobalka Sanaag iyadoo laga yaabo in goor kasta dagaal ka dhex qarxo labada maamul.

SOMALI NEWS

To Top