Muqdisho (HM)- Soomaaliya ayaa noqotay Wadanka ugu liita ee tacaalida cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay xog cabiraysa awooda waddanku uu ula tacaali karo cudurada faafa.
Marka loo eego tusaha u nuglaanta cudurada faafa (IDVI) ee cabbirka tirakoobka, oo tilmaam u ah awooda uu waddanku ula tacaali karto cudurrada faafa, Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta ugu liidata waxayna leedahay dhibic guud oo 0 ah.
Labo iyo labaatan ka mid ah 25-ka waddan ee ugu nugul ayaa laga helaa Saxaraha ka hooseeya Afrika.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Bariga Dhexe, dhibcaha cabbirka wuxuu u dhexeeyaa, UAE (0.76), Saudi Arabia (0.73), Kuwait (0.66), Masar oo aad u yar (0.53), Lubnaan (0.54), iyo Ciraaq (0.43).
Kooxda soo saartay cabibirkaan ee la yiraahdo IDVI waxay tixgaliysay todoba arimood oo saameeya u nuglaanta cudurka, waxayna kala yihiin, tirakoobka, daryeelka caafimaadka, caafimaadka dadweynaha, dhaqdhaqaaqa cudurka, siyaasada-gudaha, siyaasada-caalamiga, iyo dhaqaalaha.
Xogtaan oo soo baxday bishii february Xogtaan oo dhawaan la qoray ayaa kusoo beegmaysa kadib markii Soomaaliya markii ugu horeysay laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coranavirus.