WARARKA SOOMAALI

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay arrimo muhiim ah

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa dalkaas Lütfi_Elvan,iyaga oo ka wada-hadlay arrimo badan oo quseeya xiriirka Labada dal.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isbedelka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii horay loogu sii wadi lahaa taageerada maaliyadeed ee Dowladda walaalaha nahay Turkiga ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waa saaxiibka ugu muhiimsan horumarka Soomaaliya oo dhinac walba ah,islamarkaana si hagar la’aan ah u garab istaagay,waxaana mashaariic badan ay ka waddaa Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

SOMALI NEWS

To Top