WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo War xasaasi ah kasoo saartay Shirkii DFS iyo Beesha Caalamka

Xukuumadda Somaliland ayaa baaq u dirtay Caalamka caalamka, iyagoo ku celiyay inay yihiin dal ka madax-banaan Soomaaliya, isla markaana aysan khuseynin shirarka loo qabto Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Beesha caalamka ugu baaqay in Somaliland ay mudan tahay in lagu ixtiraamo madax-banaani, maadaama ay ka gudubtay nidaamkii qabaliga ah ayna nidaamka Axsaabta badan hirgelisay.

“Marna Somaliland ka gorgortami meyso madax banaanideeda waa dal jira oo leh nidaam dawladinimo, Calan uu ku qoran yahay tawxiidka ALLE, Madaxweyne Shacabkiisu si xor ah u doorteen iyo heyadddo dowladeed oo dhameystiran” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa ka hadlay Shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo shalay ka dhacay Garoonka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha ayaa sheegay in maamulkooda aysan waxba ka khuseynin shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isla markaana uu gaar ahaa labada dhinac loona qabtay Soomaalida.

 “Waxaanu ugu baaqeynaa Beesha caalamka inay tixgeliyaan rabitaanka umaddayada iyo dawladnimada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somaliland iskama iman ee shacabkaa u codeeyey” ayuu yiri wasiir Faratoon.

Si kastaba hadalka Somaliland ayaa waxaa kusoo aadaya, iyadoo shalay la qabtay Shirka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo loo hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Soomaaliya sigaar ah Arrimaha doorashooyinka ee dalka ka dhacaya.

SOMALI NEWS

To Top