WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Siyaasiyiinta G/Waqooyi Garabka Cabdi Xaash oo Dalab u diray RW Rooble

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliil u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeed ay soo saareen Siyaasiyiinta Gobolada ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu dhinac u xaglinayo khilaafka taagan, iyagoona ugu baaqay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo balanqaadyadi uu sameeyay iyo gudashada mas’uuliyadii lagu aaminay habsami u socodka howlaha doorashooyinka qaran.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale laga dalbaday inuu mideeyo Guddoonka Guddiga maamulaya Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin mar kasta inay la shaqeyaan Rooble, si xal kama dambeyn ah loo gaaro.

SOMALI NEWS

To Top