WARARKA SOOMAALI

Sirdoonka Puntland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka…

Ciidanka Sirdoonka gaar ah ee Puntland ayaa sheegay in ay saacadihii la soo dhaafay howgal qorshaysan ka fuliyeen buuraleyda silsiladda Golis oo ka tirsan Gobolka Bari ee Maamulkaas.

Warbixin kooban oo ay soo saareen Ciidankaas ayay ku sheegeen in hawgalka laga fuliyay Madarshoon iyo Dhagax-dhaabur oo ka tirsan silsiladda Golis.

Waxay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana Saldhigyo ciidan ka burburiyeen, waa sida ay hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada Sirdoonka Puntland.

Sidoo kale waxay ballan-qaadeen in ay hawlgalka sii wadayaan si loo wiiqo kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan silsiladda Golis.

Sirdoonka Puntland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka…
To Top