WARARKA SOOMAALI

Shirka Madaxda oo weli ka socda Afisyoni iyo wararkii ugu dambeeyay

Waxaa maalintii saddexaad Isniinta maanta galay Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada oo sabtida uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadlayaa dhammeystirka heshiiska 17 September oo horey ay u ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xalinta khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa.

Madaxda ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay siweyn dood uga yeeshay qodobo uu ka jiro khilaaf xoogan, una baahan in xal buuxa laga gaaro, si loo qabto doorasho xor ah oo heshiis lagu wada yahay.

Sidoo kale Madaxda ayaa Maanta oo Isniin ah sii amba qaadi doona qodobbada turxaan-bixinta u baahan ee arrimaha doorashada, waxaana la sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan, iyadoo la sii wadi doono ajandayaasha horyaalla shirka.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta suuragal ay noqoto in laga soo saaro qodobbo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, isla markaana lagu heshiiyo doorashada dalka ka dhaceysa.

SOMALI NEWS

To Top