WARARKA SOOMAALI

Shir uga furmay Magaalada Muqdisho Xubno ka tirsan DFS iyo M/Goboleedyada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedka Dalka.

Kulanka oo ah midkii u horreeyay oo Wasiir Biixi uu la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo hortabin u leh Shaqada,Shaqo Abuurka , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

“Shirka maanta inoo furmay heer Federaal iyo Dawlad-gobolleedyada ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo heer wasiir ah, ujeeddada aan ka leennahay waa horumarinta bulshada, shaqo abuurka,xirfadaha , siyaasadaha taageeraya dhinacyada iyo mideynta qorshayaasha shaqo,iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay shirka , iyagoo boggaadiyay qorshaha Wasiir Biixi ee ku aaddan ka miro-dhalinta siyaasadaha iyo dedaallada taageerraya Shaqo Abuurka, xirfadaha iyo Ilaalinta Bulshada iyo in la mideeyo howlaha shaqo ee wasaaradaha.

Shirkan ayaa warmurtiyeed laga soo saari doonaa , Isniinta berri ah marka la soo gabagabeeyo, iyadoo ay ka qeybgalayaan wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka , Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle , Maxamed Sheekh Cali Salaad iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) .

Shir uga furmay Magaalada Muqdisho Xubno ka tirsan DFS iyo M/Goboleedyada
To Top