WARARKA SOOMAALI

Sheekh caan ka ahaa Soomaalido oo geeriyooday + VIDEO

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar oo loo yaqaanay Sh. Cismaan Xiddig oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan oo siweyn loo yaqaano gayiga Soomaalida.

Sheekh Cismaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay hoyga uu ka deganaa Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan, isagoo xanuunkii haayay xalay saqdii dhexe u geeriyooday, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Sheekh Maxamed Daa’uud oo kamid ahaa xerta Sheekha.

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin caan ah, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn uga hadlay geerida Sheekh Ismaan Xiddig, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u direen ehelada iyo dadka Soomaaliyeed uu Sheekha ka baxay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Qaban qaabada aaska Sheekh Ismaan Xiddig ayaana saakay ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Sheekha la sheegay in lagu aasi doono qabuuro kuyaalla agagaarka masjidu Shifaa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sheekh Ismaan Xiddig ayaa kamid ahaa culimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa suufida kuwooda ugu waa weyn, waxa uuna Sheekha soo diin baray dad badan oo Soomaaliyeed oo daafaha dunidda kunool, kuwaa oo iyana dad kale oo badan sii diin baray.

Sheekh caan ka ahaa Soomaalido oo geeriyooday + VIDEO
To Top