WARARKA SOOMAALI

Sh. Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulankaan ayaana ahaa kulan hambalyo, salaan iyo boggaadin uu Madaxweyne ku-xigeenka kula wadagayay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa ugu hambalyeeyay guddoonka Baarlamanka dadaallada ay wadaan, isagoo ku booriyay in ay dadaalkooda laba jibaaraan.

Sidoo kale waxay madaxdu kulankaan kaga wada hadleen inta uu socday sidii marxaladda adag ee uu dalka kujiro (kala guurka) looga saari lahaa.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa isku afgartay qodobadii ay kawada hadleen.

Sh. Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubbaland
To Top