WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Wasiirka cusub ee Wasaaradda A/Dibadda Somalia oo xilka la wareegay

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyadoo kulanku goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos

Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa  soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”

Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socdey Goleyaasha Dowladda ee Xukuumaadda iyo Baarlamaanka, iyo Howl wadeennada iyo Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

SAWIRRO:-Wasiirka cusub ee Wasaaradda A/Dibadda Somalia oo xilka la wareegay
To Top