WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Tallaal cusub ee Cudurka COVID-19 oo lasoo gaarsiiyay Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta kasoo degtay diyaarad sida tallaalka Oxford/AstraZeneca ee Cudurka halista ah ee COVID-19 oo gaaraya 108,000 Shixnad oo tallaal ah.

Tallaalkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Faransiiska, waxaana loo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), iyadoona Garoonka ay kula wareegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka tallaalkan loo keenay dalka ay tahay in Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa halista ah ee COVID-19.

Wasaaradda ayaa sheegtay in keenista qaybtaan labaad ee tallaallada Astrazeneca ee COVID-19 ay ku soo aaday, iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu COVID-19 soo laabaty markii 3aad, isla markaana lagu joojin karo in la tallaalo dadweynaha.

Ugu dambeyn Wasaaraddda Caafimaadka ayaa waxaa ay uga mahadcelisay Dowladda Faransiiska deeqdan tallaalka, waxaana loogu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.

SAWIRRO:-Tallaal cusub ee Cudurka COVID-19 oo lasoo gaarsiiyay Muqdisho

SOMALI NEWS

To Top