WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Safiirka Somalia ee Jabuuti oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doono dalkaasi Salaad Cali Jeelle.

Danjiraha cusub ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Jabuuti, waxaana qaabilay madaxweynaha Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labad dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Jabuuti Salaad Cali ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Cismaan Cumar Geelle, wuxuuna balan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal.

“Mudane Madaxweyne waxaan aad ugu faraxsanahay horumarka aad gaarsiisay shacabka Jabuuti iyo dowladooda, waxaana ka shaqeyn doonan sidii loo horumarin lahaa xiriirka wanaagsan ee Somalia iyo Jabuuti” ayuu yiri Safiir Salaad oo warbaahinta la hadlay.

Salaad Cali Jeelle oo dowladii KMG ahayd ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka noqday Wasiir ku-xigeenka Gaashanadhigga ayaa ka mid ahaa mudooyinkan siyaasiyiinta sida weyn u taageersan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top