Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) Filippo Grandi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha oo uu ugu horreeyo argagixisada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka looga ciribtiro argagixisada, si gurmad loogu fidiyo shacabka tabaaleysan, waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhindoonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.