ENGLISH NEWS

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab ka qabsaday degaano hor leh oo ka tirsan…

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka laga halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada ayaa Al-shabaab ka qabsaday deegaanada kala ah Geefo, jabada carbeed ,biyo madoobe ,Dhalow ,Gowraar, Goldhabo iyo imaam Gowrac oo dhamaantood hoos taga Degmada Raagacelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa Bulshada ku nool Tuulooyinka u sheegay in laga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada iyo Maamulka

Waxaa kaloo Guddoomiye Axmed Faal uu tilmaamay in si dhaqsi ah deegaanada loo soo gaarsiinayo adeegyada muhiimka ah, wuxuuna intaas kusii daray in Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay sii wadani doonaan howlgalada.

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab ka qabsaday degaano hor leh oo ka tirsan…
To Top