WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: MW Xasan Sheekh oo Talyaaniga kala shiray La-dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jirtay,

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya in la dhammeystiro cirib-tirka Al-Shabaab.

SAWIRRO: MW Xasan Sheekh oo Talyaaniga kala shiray La-dagaalanka Al-Shabaab
To Top