Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto.
Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay bogaadiyeen dardargelinta Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka, kadib markii heshiis laga gaaray, iyadoo la tixgelinayo qoondada Haweenka.
Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19.