WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismaayo iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo malmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa goordhaweyd ka degay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Mdoobe iyo xubno kala duwan oo ka tirsan maamulkiisa ayaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyayMadaxweyne Saciid Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay.

Intaas kadib waxaa wafdiga loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada, iyadoona Saciid Deni uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isla markaana sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu tego Kismaayo.

Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa yeelan doona kulamo kala duwa oo looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyink dhacaya.

RIIX HALKAAN SI AAD U HESHO MUUQAALKA

Safarka Madaxweynaha Puntland ku gaaray Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalin kahor lasoo saaray Jadwalka doorashooyinka ka dhacaya, kadib markii Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay heshiis ka gaareen.

SOMALI NEWS

To Top