WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay Xuska 1-da Luuliyo

Xaflad lagu mamuusaayo Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa Maanta lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Xafladaan waxaa ka qeybgalay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/lahi Farmaajo,R/wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, xubno ka socda labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Munaasabadda oo aheyd mid si heer saro loo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne farabadan oo isaga kala yimid degmooyinka Magaalada Muqdisho iyo fanaaniin Madasha ku soo bandhigay heeso.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbda dhinacyo badan taabaneyssay ka jeediyay Munaasabadda, isla markaana shacabka ugu hambalyeeyay Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top