Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyihii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku dhintay qarax lagula beegsaday degaanka Basra.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu Al-shabaab ka xoreeyo dalkiisa, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda siisa Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xildhibaano, wasiiro, Madax hore, siyaasiyiin Ehelo iyo dadweyne oo badan ayaa ka qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyihii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, oo shalay lagu dilay qarax lagula beegsaday Basra.