Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka u ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa gaaray Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta.
Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta.
Mdaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Guddiga ku qaabilsay Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen Garbahaarrey.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Guddiga ayaa warbixin ka dhagaystay Mdaxwayne ku-xigeenka ee Jubbaland, waxaa uuna warbixin qoto dheer ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sida ay Jubbaland ugashay dadaal dheer sidii xal waara loogu heli lahayd arrimaha ka taagan Gobolka Gedo.