Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa DowladdaTalyaaniga la saxiixatay heshiis Deyn cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan la saxiixday safiirka Dowladda Talyaaniga u jogga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo uu sheegay inuu si gaar kagala shaqeeya saxiixa maanta suurta galay.
“Maanta waxa aan Dowladda Taliyaaniga la saxiixanay heshiis Deyn_Cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii” ayuu yiri Wasiir Beyle oo Qoraal soo saaray.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa u mahadceliyay Safiirka Dowladda Italy u jooga dalka Alberto Vecchi oo si gaar ah dowladda ugala shaqeeyay Saxiixa maanta.




